Home WARARKA Hormuud Telecom oo ka war bixisay dhacdo ka dhacday xarunta ...

Hormuud Telecom oo ka war bixisay dhacdo ka dhacday xarunta Shirkaddaas

10
0

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa faah-faahin ka bixisay dhacdo maanta ka dhacday xarunta weyn ee Shirkaddu ku leedahay SuuqaBakaaraha.

Qoraal kasoo baxay Shirkadda ayaa lagu sheegay in saaka abaaro 7:30 subaxnimo ay Xarunta shirkadda ee Hormuud Telecom yimaadeen laba qof oo rag ah oo wata darays ciidan oo doonayay in lamber aysan lahayn ay kala baxaan lacago.Labada nin mid ka mid ah wuxuu galay xarunta, halka kan kalena uu mooto bajaaj ay la socdeen ku sugyay. Hubin ka dib howlwadeenadii shirkadda ayaa ogaaday in qofkaas uusan lahayn lamberka uu lacagta ka dirsan rabay wayna ka diideen iney howshaas u qabtaan.

Daqiiqado ka dib ayaa la sheegay inay keeneen xarunta gabadh, gabadhiina waxay sheegtay in la soo afduubay.

 Muran kii halkaas ka dhashay ayaa wuxuu keenay in ay qoryohoodii la soo baxaan, halkaasna waxaa ka dhashay in ay rasaas iswaydaarsadaan ragii hubaysnaa ee xarunta yimid iyo waardiyihii xarunta. Halkaas waxaa ku dhintay mid ka mid ah labadii nin, kii kalana wuu ka baxsaday goobta.

Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayay saraakiisha shirkaddu markiiba la xiriireen, wixii macluumaad ahaa oo dhanna  ku wareejiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here