Home WARARKA Baarlamaanka Jubland oo wax ka bedelay Dastuurka Maamulkaas

Baarlamaanka Jubland oo wax ka bedelay Dastuurka Maamulkaas

83
0

Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay fasax ku maqnaa ayaa maanta yeeshay kulan xasaasi ah ay ku gaareen go’aannno ay ka mid yihiin in Madaxweynaha Jublabd Axmed Madoobe uu mar kale isa soo sharxi karo

Baarlamaanka  Jubaland oo maanta yeeshay  kulan aan caadi aheyn oo ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka ayaa u coddeeyay ansixinta wax ka bedelka qodobo ka mid ah Dastuurka dowlad goboleedkaas, oo caqabad ku ahaa Madaxweynaha maamulkaaai..

Qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ah qodobka 70aad ee Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo labo jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray.

Qodobka 65aad ayaa loo guuray waxaana laga dhigay in muddada xilheynta Madaxweynaha ay tahay shan sano, u tartamida Madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe  oo muddo xileedkiisa dhamaaday ayaa markii saddexaad doonaya in uu Hogaamiyo Jubland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here