Safiirka cusub Soomaaliya u fadhin doona Washington, Danjire Dahir Hassan, ayaa si rasmi ah warqaddaha danjirenimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden. Danjire Dahir ayaa sidoo kale Madaxweyne Joe Biden gaarsiiyay dhambaal fariin qoraal ah oo uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud.