Home WARARKA Ciidamada Dawlada oo toogasho ku dilay Xubin ka tirsan Alshabaab

Ciidamada Dawlada oo toogasho ku dilay Xubin ka tirsan Alshabaab

63
0

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Mesagawey ee gobalka Galgaduud ayaa saaka toogtay xubin ka tirsan Alshabaab kaas oo lagu qabtay koontaroolka Mesagawey, Ninka la toogtay ayaa ku hubeysnaa qoray AK-47 ah.

Dhinaca kale ciidamada ayaa qabtay 3 gaari oo nuuca layla Calaawi ah oo shidaal waday, waxaana lagu qabtay deegaanka Xuseen cagey, saraakiisha ayaa sheegay inay saarnaayeen dumar Argagaxisada u socday ayna gacanta ku dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here