Home WARARKA Daadad ku soo rogmaday Magaalada Baladweyne iyo Qoysas badan oo ka barakacay

Daadad ku soo rogmaday Magaalada Baladweyne iyo Qoysas badan oo ka barakacay

88
0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaa sheegaya xalay roobab xoogan oo ka da’ay uu saameyay dadka ku dhaqan xaafaddo ka tirsan Magaaladaasi.

Qoysas badan ayaa la barakacay Xaafadaha Magaalada Baladweyne si ay uga badbaadaan daadadka Roobka  iyo Fatahaada Webiga shabeelleoo laga cabsi qabo in uu ku fataho magaaladaas.

Dad badan ayaa xalay  illaa saakay ka baralacay laanta ku Tiimbo ee Magaalada Baladweyne ka dib markii Kanaalka Dhagax Jibis uu ku soo rogmaday  islamarkaana  Daadad ka dhashay Roobka uu kanaalka buux dhaafiyay kadibna uu ku fatahay Xaafadaha Magaalada Baladweyne.

Hase ‘ahaatee Roobka  Gu’ga ayaa ka curtay qeybo ka mid ah dalka kaas oo laga cabsi qabo in ay waxayoolo ka dhalto daadadka iyo wabiyada gobolada ay maraan inta badan u nugul fatahadaha ay sababaan dadka degan deegaanada ku teesan Jiinka Webiyada ayaa dhawaan fariin digniin ah waxaa u dirtay hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka iyadoo kaga digaysa cabsi laga qabo in ay roobabka ka dhashaan da’dada iyo fatahaado sabab u noqda in dadka iyo duunyada galaaftaan. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here