Home WARARKA Dad ku dhintay banana bax ka dhacay Degmada Badhan ee gobolka Sanaag

Dad ku dhintay banana bax ka dhacay Degmada Badhan ee gobolka Sanaag

10
0

1 Ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay, ka dib markii shacab mudaharaadayey ay rasaas ku fureen ciidanka Puntland ee gobolka Sanaag.
Kacsanaanta magaalada ayaa saaka bilaabatay markii ay Puntland hor-istaagtay ciidamo ay wateen Guddiga Siyaasadda Dhaqdhaqaaqa Maakhir oo uu hoggaaminayo xildhibaan hore, Cabdiraxmaan Dhoorre, iyada oo guddiga oo keli ay magaalada galeen, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan-karo.
Waxgaradka magaalada ayaa hadda wada waan-waan ay ku dejinayaan xaaladda. Labada dhinac weli ma jiro mid ka hadlay xiisadda.
Guddiga Siyaasadda Dhaqdhaaqa Maakhir ayaa lagu dhisey shir siyaasiyiinta gobollada Sanaag, Highland & Galbeedka Bari ay bilihii la soo dhaafay ku yeesheen caasimaddaMuqdisho, iyaga oo kolkaa sheegey in ay doonayaan ‘Aayo-katashi siyaasadeed’, waxase ay mas’uuliyiinta Puntland ee deegaannadaasi ku tilmaameen siyaasiyiin ay DFS u adeegsanayso Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here