Home WARARKA Ganaax la dul dhigay Xisbiyada Soomaliland ee Kulmiye iyo Wadani

Ganaax la dul dhigay Xisbiyada Soomaliland ee Kulmiye iyo Wadani

7
0

Guddiga Anshaxa ee Komishinta doorashooyinka ee Somaliland ayaa soo saaray awamiir ay fareen xisibiyada iyo ururrada siyaasadda iyagoo sidoo kale ganaaxyo dul dhigay labada xisbi ee kulmiye iyo Wadani.
Guddigu waxa uu sidoo kale sheegay in laga macnuucay ololaha iyo isu-soo-baxyada Xisbiyada iyo Ururrada inta ka horreysa maalinta loo cayimay in uu bilaabmo Ololaha rasmiga ah.
Guddomiyaha guddiga anshaxa ee komishinka doorashooyinka Somaliland Aadan Xuseen Maxamed oo saxaafadda kula hadlay Hargaysa ayaa sharaxaya qodobada ayaa sheegay in falalka ka dhacay qaar kamid ah gobollada Somaliland, waxaan soo saarnay qodobo, ugu horreyn in aanu ganaaxnay labada xisbi ee Kulmiye iyo Wadani, lacag gaareysa min Toban milyan oo shilin Somaliland ah, waxan sidoo kale ka joojinay safarrada ololaha u eg ee ay ku jiraan labada xisbi”, ayuu yiri guddoomiyuhu.
“Marka aanu aragnay Sidoo kale waxaa xusid mudan in xisbiga Ucid iyo ururrada kaleba si lamid ah looga joojiyay dhaq-dhaqaaqyada olole ee doorasho.
“Cidii aan u hoggaansamin awaamiirtan waxa ay weyn doontaa mid kamid ah maalmeheeda olole ee ay xaqa u leeday”, ayuu sii raaciyay guddoomiye Aadan Xueen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here