Home WARARKA Gudoomiye  Aadan Madoobe oo Gudoomiyay  shir Wadatashi ah

Gudoomiye  Aadan Madoobe oo Gudoomiyay  shir Wadatashi ah

109
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyay shirka wada-tashi guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada dowlad goboleedyadda,kaas oo looga hadlaayo qodobbo badan oo ay ku jiraan arrimaha dastuurka. dalka iyo guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .

Shirkaasi waxaa Guddoomiyaha ku wehelinaayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade.

Shirka wada-tashiga ayaa qeyb ka ah talo gelinta arrimaha dib u eegista Dastuurka oo doodiisa ay ka socoto Baarlamaanka labadiisa aqal .

Ujeedka shirka oo ka socda Magaalada Muqdisho ayaa ah in guddoomiyeyaasha dowlad goboleedyadda ee ka qeyb galaya shirka wada-tashi ee wax ka bedelka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay shacabka gobolada u gudbiyaan ama gaarsiiyaan horumarada lagu saleeyay qodobada dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here