Home CIYAARAHA Klopp: Tababarihii hore ee Liverpool oo shaqo cusub loo magacaabay

Klopp: Tababarihii hore ee Liverpool oo shaqo cusub loo magacaabay

15
0

Tababarihii hore ee kooxda Liverpool, Jürgen Klopp, ayaa loo magacaabay madaxa guud ee kubadda cagta ee shirkadda Red Bull.

Tababarahan 57-jirka ah ee Jarmalkaa ayaa xilka si rasmi ah u bilaabi doona 1da Janaayo 2025.

“Ka dib ku dhawaad 25 sano oo aan garoonka dhinaciisa taagnaa, ma jiri karto wax iga farxad badan inaan ku lug yeesho mashruuc sidan oo kale ah,” ayuu yiri Klopp.

“Shaqadu waa ay is bedeshay laakiin xiisahayga kubadda cagtu weli waa sidoodii.”

Shirkaddan cabitaanka tamarta ee Red Bull waxay leedahay kooxda RB Leipzig ee Bundesliga Jarmalka, Red Bull Salzburg ee Austria, iyo kooxda New York Red Bulls ee Major League Soccer (MLS) Maraykanka ciyaarta, iyo sidoo kale kooxda reer Brazil ee Red Bull Bragantino.

Sidoo kale waxay saamiyo yar ka qaateen kooxda Leeds United oo ka ciyaarta Championship-ka Ingiriiska, waxayna noqdeen magaca lagu xayaysiiyo funaanadda kooxdaas horraantii sanadkan.

Red Bull ayaa sheegtay in Klopp uusan si toos ah ugu lug lahaan doonin hawlaha maalinlaha ah, laakiin wuxuu talo ka bixin doonaa hab falsafadeedka ciyaaraha ee kooxahan, istiraatiijiyadda kala iibsiga ciyaartoyda, iyo horumarinta tababarayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here