Home CIYAARAHA DALKA Koobka Jaaliyaddaha oo ka furmay magaalada Bergen ee dalka Norway+ Sawiro

Koobka Jaaliyaddaha oo ka furmay magaalada Bergen ee dalka Norway+ Sawiro

128
0

Waxaa  ka furmay garoonka ciyaaraha xaafadda Møhlenpris ee Magaalada Bergen tartanka koobka wadamada ajaanibta oo ah tartan caan ah oo sanadkiiba mar uu qabto xirriirka ciyaaraha Festaland infandareera rood.

Tartankan oo ah mid aad u xiiso iyo xamaasad badan ayaa waxaa ka qeyb galaya sanadkan in ka badan 7-wadan waxaana ciyaartii ugu horeysay maanta lagu daahfuray ay dhexmartay Kooxaha Soomaaliya iyo Kongo, ciyaartaas oo ugu dambeyntii kusoo idlaatay 10-2 oo ay guushu ku raacday Ciyaartoyda Soomaaliya oo matalayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland.

Ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland Maryan Adan Cigale ayaa waxaa si wayn u maamuusay dhammaan Maamulka Jaaliyadda, taageerayaasha halka ciyaartoyda Soomaaliya ay saf dheer u galeen si ay ugu sameeyaan saf sharafeed ay ku muteysatay taageero iyo garab istaag aad u weyn oo ay u sameeyeen ururka Haweenka kadib agab Sporti oo dhameystiran oo ay gudoonsiiyeen Guddoomiyaha Ciyaaraha iyo dhaqanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland.

Maryan Adan Cigale Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland ayaa iyadoo ay ka muuqato dareen farxadeed ay socod ku dhex martay safka kooxda iyadoo dhex socota isla markaana ay u sacba tumayeen ciyaartoyda iyo maamulka Jaaliyadda.

Guddoomiyaha Ciyaaraha iyo dhaqanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland Faturad C/raxmaan ayaa furitaankii tartanka ka sheegay inuu ahmiyad weyn siinayo tartanka, isagoo ku amaanay ciyaartoyda Soomaaliya bandhiga cajiibka ah ay ka sameeyeen tartanka.

Osman Sheikh Cali oo ah xubin ka mid ah guddiga ciyaaraha maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland ahna macalin ku xigeen ayaa sheegay in marba haddii loo dheelayo Jaaliyad ay tahay in la matalayo qaranka Soomaaliya, isagoo farxad ku muujiyey ku furashada guusha weyn oo ay gaareen wiilasha Soomaaliyeed.

Maxamed Adan Ducaale oo ka mid ah aqoon-yahanada magaalada ahna oday Soomaaliyeed ayaa dareen aad u wanaagsan ku tilmaamay in dhalinyaradda Soomaaliyeed ay ka qeyb galaan tartamada ciyaaraha, isagoo dhanka kale u mahadceliyey Guddiga Ciyaaraha, macalimiinta, maamulka Jaaliyadda, ururka haweenka iyo taageerayaashii soo xaadiray garoonka.

Hassan Osman oo ah Kabtanka koowaad ee ciyaartoyda Soomaaliya ayaa kalsooni badan ka muujiyey sida ciyaartoy ahaan ay usoo diyaar garoobeen sanadkan, isagoo rajo qurux badan ka muujiyey suurtagalnimada ku guuleysiga koobka, maadaama Soomaaliya ay tahay wadanka ugu guulaha badan tartanka.

Ciyaarahan oo sanadkiiba mar la qabto waxay abuuraan is dhexgal bulsho iyo isku imaatin saaxiibo xiliyo aan is arkin, waxayna dhiiragelin u noqotaa dhalinyarada jecel Sportiga oo ka hela waqti ay ku muujiyaan awoodooda ciyaareed, iyadoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka dhisan gobolka Hordaland gaar ahaan magaalo madaxda labaad ee wadanka Norway ee Bergen ay dadaal ku bixiso sidii ay u garab istaagi lahayd dhalinyarada gaar ahaan ka qeyb gelida tartamadan oo kale, waxaana arrintan mas’uuliyad gaar ah iska saaray dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Guddoomiyaha ciyaaraha iyo dhaqanka Maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland Faturad C/raxmaan oo lagu amaano doorkiisa ciyaaraha iyo isdhexgalka dhalinyaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here