Home WARARKA Madaxweynaha Jubland oo baaq u diray beelo ku dahaalamay degmada Luuq ee...

Madaxweynaha Jubland oo baaq u diray beelo ku dahaalamay degmada Luuq ee gobolka Gedo

100
0

Madaxweynaha Dowladd goboleedka  Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Baaq Nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in ay tahay wax aan loo baahnayn dagaalka u dhexeeya dadka walaalaha ah ee ku nool degmada luuq iyadoo dadka deegaanka ay ka soo kabanayaan saamaynta fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay sanadkii hore walina ay jirto saamaynta ay xaaladaas ku reebtay nolosha bulshada.

Waxaa Madaxweynaha Jmaamulka Jubland  uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkan ee naf iyo maalba leh ay taabanayso dhammaan dhinacyada loona baahan yahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo dagaalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu digniin adag u diray askarta ku milmaysa shaqaaqadan isagoo xusay in askariga ku lug yeesha dagaalkan talaabo adag laga qaadi doono.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jubland ayaa faray maamulka gobolka, kan Degmada luuq iyo hay’adaha amniga gobolka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagan sidii shaqaaqadan loo joojin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here