Home WARARKA Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan looga hadlayay dar dar gelinta dagaalka ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan looga hadlayay dar dar gelinta dagaalka ka dhanka sh Alshabaab kawa degaanka Waragaadhi

96
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulan kula qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin Alshabaab , isagoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here