Home CIYAARAHA Manchester City oo wajahaysa eedeymo dhowr ah oo ganaax culus ay ku...

Manchester City oo wajahaysa eedeymo dhowr ah oo ganaax culus ay ku mutaysan karto

8
0

Kubadda Cagta Ingriiska, guddi madax-banaan ayaa bilaabaya dhageysiga eedeymaha ku saabsan jebinta sharciga maaliyadeed ee Manchester City ee Premier League oo loogu talagalay in lagu xaddido kharashka.

Naadiga ayaa wajahaya boqol iyo shan iyo toban eedeymo kiisas eedeymo ah.

Waxaa ka mid ah in City lagu eedeeyay inay ku guuldareysatay inay bixiso xogta maaliyadeed ee saxda ah ee dakhliga kafaalaqaadka iyo lacagaha la siiyo ciyaartoyda iyo maamulkaba.

Dhageysiga dacwadan ayaa daba socotay baaritaan dheer oo lagu sameeyay mudadii ka dambeysay iibka kooxda ee milkiilayaashooda Abu Dhabi.

Manchester City way dafirtay inay samaysay eedeha loosoo jeediyay, laakiin waa lagu ganaaxi karaa, dhibco waa laga jari karaa ama xitaa dib ayaa loo dhigi karaa haddii dambi lagu helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here