Home WARARKA Maxa looga hadlay kulanka Taliyaha Ciinka Militariga Soomaaliya & Dhamaan saraakiisha Ciidanka...

Maxa looga hadlay kulanka Taliyaha Ciinka Militariga Soomaaliya & Dhamaan saraakiisha Ciidanka ?

77
0

Iyadoo la fulinaayo amarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ayaa Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin waxuu kulan la qaatay dhammaan hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa hoggaannada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed faray in looga baahanyahay hoggaan walba inuu kordhiyo shaqadiisa, lagana doonayo inuu diyaar u noqdo waajibaad Qaran oo Rasmi ah.

“Waxaan Taliska ciidanka ku soo kordhinay talisyo iyo Hoggaana cusub, waxaana laga doonayaa inay qeyb weyn ka qaataan qorshaha socda ee ku saabsan Dagaalka Argagixisada, Dhismaha Ciidanka, Taakuleynta iyo sare u qaadista tayada Ciidanka xoogga Dalka ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliteed”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here