Home WARARKA Maxaa ka soo baxay Maanta  shirka Todobaadlaha ee Golaha wasiirada Soomaaliya?

Maxaa ka soo baxay Maanta  shirka Todobaadlaha ee Golaha wasiirada Soomaaliya?

104
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey Heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo howlgalladii ugu danbeeyey ee lagula jiro Alshabaab looga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Heshiiska Iskaashiga ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Baakistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here