Home CIYAARAHA Maxamed Saalax oo lagu dhagay  kadib isku dhacii isaga iyo Tababare Klopp

Maxamed Saalax oo lagu dhagay  kadib isku dhacii isaga iyo Tababare Klopp

289
0

Maxamed Saalax ayaa “khaldanaa” murankii dhex maray isaga iyo tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp kulankii ay Sabtidii barbaraha 2-2 la galeen West Ham United, ayuu yiri weeraryahankii hore ee Premier League Chris Sutton.

Saalax ayaa kursiga keydka fadhiyay kulanka waxaana ay isku dhaceen Klopp xilli uu isku diyaarinayay in uu badal ku soo galo daqiiqadii 79-aad.

Bar-barraha ayaa ka dhigaya Liverpool in ay isaga hartay tartanka horyaalka EPL, waxayna shan dhibcood ka hooseysaa kooxda hoggaanka u heysa Premier League ee Arsenal.

Sutton ayaa sheegay in dhacdadani aysan si fiican uga muuqan 31-sano jirkaan, kaasoo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya Reds xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 24 gool, laakiin kulamadii ugu dambeeyay uusan ku jirin qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

“Ma aanan jecleysan laakiin waxaan u maleynayaa in Mo Salah uu qaldanaa,” Sutton ayaa sidaa kayiri barnaamijka habeenka Isniinta ee Raadiyaha BBC ee 5 Live.

“Kama duwana saaxiibadiisa Liverpool, runtuna waxay tahay in qaab ciyaareedkiisa uusan wanaagsaneyn tan iyo markii uu ka soo laabtay dhaawaca.

Klopp oo ka tagaya Liverpool dhamaadka xiliciyaareed kaan ayaa Salah keenay Anfield bishii June 2017-kii wuxuuna ka mid ahaa ciyaartoydiisa ugu saamaynta badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here