Home WARARKA Maxay ka wada hadleen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya & Wafdi...

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya & Wafdi ka socday Hay’adda UNDP?

108
0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo uu wehliyo Wasiir-dowlaha, Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan wax ku ool ah maanta la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska UNDP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wakiilka Joogtada ah, Mudane Lionel Laurens.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid tahay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeeya Wasaardda iyo Hey’ada UNDP Soomaaliya, iyo horumarinta warbixinta Tusaha Saboolnimada), Sidoo kale kor u qaadista xog ururinta, beegsiga dadaallada dhimista faqriga, iyo horumarinta mustaqbal waara.

Kulanka waxa uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here