Home CIYAARAHA Mendy oo sheegay in saaxibadii Manchester City uu lacag ka amaahday

Mendy oo sheegay in saaxibadii Manchester City uu lacag ka amaahday

8
0

Difaacii hore Manchester City, Benjamin Mendy, ayaa sheegay in uu lacag ka amaahday saaxiibadii naadiga sida Raheem Sterling, Bernardo Silva iyo Riyad Mahrez markii naadiga ka joojiyay mushaarka ee lagu eedeeyay kufsi sidaasina waxa uu u sheegay maxkamadda. Ciyaartoygan u dhashay Faransiiska waxa uu dalbanayaa in hadda la siiyo £11.5m oo ah mushaaradii aan la siin markii la eedeeyay August 2021-kii.

Mendy oo ah 30 jir ayaa lagu waayay 2023-kii dambiyo kufsi iyo isku day kufsi. Naadiga waxay mushaarkiisa bixinayeen ilaa xarigii ugu horeeyay ee bishii November 2020 balse way joojiyeen markii la soo eedeeyay loona diiday in uu naadiga yimaado. Dokomentiyo maxkamadeed ayaa lagu sheegay in Mendy ay lacagta ka dhamaatay kaddibna uu iibiyay gurigiisa si uu isaga bixiyo qarashaadka. “”Raheem Sterling, Bernardo Silva iyo Riyad Mahrez ayaa lacag i deymiyay si aan isaga bixiyo qarashka maxkamadda iyo caawinta qoyskeyga” ayuu Mendy ku sheegay qoraaladiisa. Bishii November 2022 ayuu Mendy WhatsApp kula xiriiray Omar Berrada oo ah madaxa howlaha City, wuxuuna weydiistay goorta la siinayo mushaaraadkiisa balse wax jawaab ah kama helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here