Home WARARKA Muuse Biixi oo sheegay in uu hirgenliayo heshiiskii uu la galay Itoobiya

Muuse Biixi oo sheegay in uu hirgenliayo heshiiskii uu la galay Itoobiya

13
0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in cadaadis kasta oo jira uu hirgalayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ay wada-galeen horantii sanadkaan, kaas oo ku saabsan in qeyb kamid ah Badda Soomaaliya laga kireeyo Itoobiya.
Madaxweynaha oo boqollaal qof kula hadlayay magaalada Tog-wajaale, ayaa sheegay in heshiisku uu hirgalayo inkasta oo ay jiraan cadaadisyo.
Waxa uu sheegay in uu ka shaqaynayo danta Somaliland, oo anay noqon doonin meel ay Masar danaheeda ku fushato, isaga oo sheegay in Itoobiya anay colaysan karin Somaliland oo jaarkeeda ah oo anay la heshiin karin Masar.
Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa colaad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo Itoobiya ay markale ka carootay ciidamada Masaarida ee la rajaynayo in ay Soomaaliya yimaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here