Home WARARKA Nisa oo Gurigiisa kala baxday wariye ka Hawalgaĺa Idaacaada Risaala

Nisa oo Gurigiisa kala baxday wariye ka Hawalgaĺa Idaacaada Risaala

6
0

Waxaa xalay Saqdii Dhexe abaare 3:00 Habeenimo Gurigiisa oo ku yaalla degmada Boondheere lagala baxay Wariye Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jakaarta) oo ka tirsan Shaqaalaha warbaahinta Risaala.
Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka ee NISA oo wata Gaari ayaa Gurigiisa ku weerarray weriyaha, waxayna halkaas ka wateen C/qaadir Jakaarta, sida ay noo sheegeen Qoyska Weriyaha.
“Maamulka Warbaahinta Risaala Media wuxuu canbaareynayaan falka afduubka iyo sharci darrada ah ee lagula kacay Weriye C/qaadir Jakaarta, waxayna dalbanayaan in si degdega xoriyadiisa loogu soo celiyo” ayuu yiri maamulaha guud ee Risaala Media Maxamed Cabduwahaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here