Home WARARKA shaqojoojin lagu sameeyay Masuuliyiintii Maxkamadda ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee...

shaqojoojin lagu sameeyay Masuuliyiintii Maxkamadda ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Puntland

19
0

Dawlad goboleedka Puntland, ayaa shaqojoojin ku sameeyay dhammaan mas’uuliyiintii maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee maamulkaasi, kaddib amar kasoo baxay madaxtooyada Puntland.
Sida Wararku ay sheegayaan guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee Puntland G/sare Cabdifitaax Xaaji Aadan iyo dhammaan xubnihii maxkamaddaasi ayaa la xaqiijiyay in shaqada si KMG ah looga joojiyay.
Xubnahaan maxkamadda ciidamada ee shaqada laga joojiyay , ayaa la sheegay in ay rideen xukunno madaxda sare ee Puntland ka careysiiyay, taa oo soo dedejisay in si deg deg ah masuuliyiinta maxkamadda qaabilsanaa in shaqada laga joojiyo.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee Puntland, ayaa marar badan riday xukunno aan qaarkood lagu salleyn caddaaladda, waxa ayna taasi keentay in ay lunto kalsoonidii ay shacabka iyo madaxdaba ku qabeen xukunnada maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here