Home WARARKA Taliska Ciidanka Booliska  ka hadlay Hawgalada ka socda Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska  ka hadlay Hawgalada ka socda Muqdisho

149
0

War Qoraal ah oo  ka soo baxay Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir lagu yiri, “Sababta aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada, waa inaan aamisanahay in Asaluubta Bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada. Waana qeyb kamid ah shaqooyinka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, sidaas darteed Waalidiinta Soomaaliyeed iyagana masuuliyad weyn ayaa ka saaran ubadkooda, waana in ay la xisaabtamaan, kalana shaqeeyaan Booliska sidii loo suuli lahaa falalka anshax-darrada ah.”

Warkaan, ayaa ku soo daaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay booliska Soomaaliya xabsiga dhigeen dhalinyaro baraha bulshada ku faafi jirtay aflagaado, anshax-xumo iyo kicin dadweyne, waxaana ugu dambeeyey Asmar Daahir Faarax oo caawa lagu xiray saldhigga degmada Hodan, kadib markii uu muuqaal anshax-xumo ah ku faafiyey baraha bulshada.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska Ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa  ku soo aadayaa Xilli xabsiyada Muqdisho ay ku xiran yihiin dad badan oo ku eedeysan dhaqanxumo , iyo sidoo kale kuwa kale oo qabyaalad , kicin bulsho iyo aflagaado geestay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here