Home WARARKA Wafdi  ka socda Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi  ka socda Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho

110
0

Wafdi uu Hogaaminayo  Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM u qaabilsan Somalia Raisedon Zenenga ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Raisedon Zenenga ayaa waxaa dhowaan magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres isagoo Muqdisho u yimid si uu ula wareego xilkiisa.

Waxaa uu bedelayaa Ku xigeenkii hore ee Ergeyga Gaarka ah Qaramada Midoobay  u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho oo dhameysatay mudadii loogu talo galay iney xilkaas heyso.

Dhinaca kale, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing iyo Agaasimaha hay’adda UNODC, Ghada Fathi Waly ayaa kulan ku yeeshay Muqdisho  ioyago ka wadahadlay arimo badan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here