Home WARARKA Xubno ka tirsan Alshabaab oo duqayn lagula beesaday degaanno ka tirsan gobolka...

Xubno ka tirsan Alshabaab oo duqayn lagula beesaday degaanno ka tirsan gobolka Bakool

75
0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka sameyn jireen Xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo uu Hogaaminayey Taliyaha Guutada 9-aad Ciidanka Xooga Dalka Gaashanle Yoonis Aadan Hassan ayaa intii uu socday waxaa barbar socday duqeymo dhinaca cirka ah oo ay fulinayeen Diyaaradaha aan Duuliyaha la hayn, kaas oo lala beegsaday Goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 9-aad Ciidanka Xooga Dalka Gaashanle Yoonis Aadan Hassan ayaa sheegay in duqeynta lagu burburiyay Goobo ay isku aruursanayeen Al-Shabaab, isla markaana khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah lagu gaarsiiyay.

Taliyaha ma sheegin tirada Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee howlgalka lagu dilay, hayeeshee howlgalkaas ayaa qeyb ka ahaa howlgallada joogtada ah oo ay fuliyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah.

Si kastaba Bilihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanayay Ciidamada degaanka ee loo yaqaamo Macawiisleyda ayaa waxaa ay sameeynayeen howlgallo kala duwan wallow aysan jirin degaano iyo degmooyin lagula wareegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here