Home WARARKA Xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Galgaduud

Xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Galgaduud

109
0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed  oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal ka fuliyay gobolka Galgaduud gaar ahaan Degaanka Cali Yabaal.

War qoraal ah oo  kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 15 xubnood isugu jira saraakiil & dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, halka 22 kale lagu dhaawacay.

Sidoo kale Dowladda ayaa sheegtay in duqeynta lagu burburiyay saanad ciidan oo ay lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwo sii socda inta laga  saarayo al shabaab guud ahaan dalka Soomaaliya .

Ugu dambeeyntii   Ddowladda ayaa sheegtay Goobta duqeynta laga fuliyey ay Al-Shabaab u eheyd Saldhig ay ku aruuriyaan xubnaha weerarada fuliya, kuwaasoo loo yaqaano Jabhadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here